Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland oo beenisay war ay baahisay warbaahinta Al-carabiya

focus

Somaliland oo beenisay war ay baahisay warbaahinta Al-carabiya

Somaliland oo beenisay war ay baahisay warbaahinta Al-carabiya

Xukuumadda JSL, ayaa si cad u beenisay war ay baahisay warbaahinta Al-carabiya, kuwaas oo la xidhiidha xaaladda gobolka Awdal.

Wasaaradda arrimaha dibada JSL, ayaa bayaan ay soo saartey ku sheegtey in warkaas ay baahisay Al-carabiya oo ahaa in ciidamo aan kuwa Somaliland ahayn ay joogaan gobolka Awdal uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaana wasaaraddu sheegtay in gobolka Awdal si buuxda u hoosyimaado Jamhuuriyada Somaliland, wax ciidan ah oo joogaana aanay jirin aan ka ahayn Ciidanka Qaranka JSL.

Wasaaradda arrimaha dibada Jsl ayaa ugu baaqday warbaahinta Al-carabiya in ay si deg deg ah u saxdo warkaas khaldan, isla markaana ay u hoggaansanto anshaxa iyo heerarka xirfadeed ee saxaafadda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top