Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland oo markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Cirro

focus

Xukuumadda Somaliland oo markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Cirro

Xukuumadda Somaliland oo markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Cirro

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ay Xukuumaddu si taxaddar iyo feejignaan sare leh ugu maaraynayso macluumaadka la xidhiidha safarrada dibadda iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan yahay.

Afhayeenka ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ku sheegay in ilaalinta siraha qaranku ay tahay ficil waddaninimo oo ka tarjumaya hoggaan mabda’ leh, oo laf-dhabar u ah sugidda amniga qaranka iyo gaadhista himilooyinka istiraatiijiyadeed ee Somaliland.

Mudane Xuseen Aadan Cige Dayr wuxuu xusay in maaraynta xogta la xidhiidha safarrada Madaxweynuhu ay ka hortagayso faragelin cadawtinimo, isla markaana ay suurtagelinayso in wadahadallada muhiimka ahi u dhacaan si deggan oo midho-dhal ah, iyada oo aan la carqaladayn. Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in dunida maanta ay ka jirto dagaal xogeed iyo dabagal joogto ah, sidaas darteedna aanay xigmadi ku jirin buuq iyo muuqaal badan, hasa yeeshee ay ku jirto xakamayn, feejignaan, iyo ilaalinta danaha qaranka.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dooratay in danta qaranka laga hormariyo muuqaallo iyo buuq warbaahineed, si loo hubiyo in diblomaasiyaddu ay keento natiijooyin dhab ah, halkii ay ka abuuri lahayd mashquul ama khatar amni.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in xilkasnimadan ula kac ahi ay xoojinayso madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay ilaalinayso faa’iidada istiraatiijiyadeed ee qaranka, iyadoo lagu shaqaynayo kalsooni, mas’uuliyad, iyo u heellan danta guud ee shacabka.

Ugu dambayn, Afhayeenka Madaxweynaha ayaa caddeeyay in hoggaaminta casriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn buuq, is-muujin ama bandhig muuqaal ah, balse uu yahay awoodda aamusnaanta leh ee keenta natiijooyin dhab ah oo waxtar u leh shacabka, laguna gaadhayo go’aan cad iyo ujeeddo fog, ka hor inta aanay cadawgu fursad u helin inay ka falceliyaan ama xitaa ay ogaadaan waxa Somaliland xaqiiqsatay, ayuu afhayeenku yidhi

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top