Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland: mas’uuliyiin loo xidh xidhay arrimo musuqmaasuq

focus

Somaliland: mas’uuliyiin loo xidh xidhay arrimo musuqmaasuq

Somaliland: mas’uuliyiin loo xidh xidhay arrimo musuqmaasuq

Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL, Mudane Muuse Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inay jiraan dad loo xidh xidhay arrimo musuqmaasuq ka dib baadhitaano ay ku sameeyeen qaar ka mid ah hay’adaha dalka.

Hantidhowraha Guud, ayaa sidan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefeeshanka Qaranka Somaliland, waxaana uu ugu horreyn ka hadlay hay’adaha dawladda ee ay baadhitaanada ka sameeyeen, wuxu yidhi: “Baadhitaano aad u badan baanu samaynay intii aanu joognay, Badbacadda Qaranka ayaa ka mid ah, dhakhtarka weyn ee Hargeysa ayaan ku samaynay, machadka hay’adda shaqaalaha ayaan ku samaynay oo hay’ado badaan baadhitaano ku samaynay”.

Hantidhowrahu, isaga oo sidoo kale hadalkiisa sii wata wuxu yidhi: “Way ka soo baxeen, dad la xidh xidhayna waa ay jiraan, Maxkamado na ku jira oo Maxkamadda lagu la jiraa na way jiraan”.

Madaxweynaha Qaranka JSL Dr. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ay ka go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana fagaareyaal uu ka sheegay in aanay marna ba u dulqaadan doonin wax musuqmaasuq ah.

More in focus

To Top