Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne ku xigeenkii ugu awoodda badnaa Maraykanka oo geeriyooday

focus

Madaxweyne ku xigeenkii ugu awoodda badnaa Maraykanka oo geeriyooday

Madaxweyne ku xigeenkii ugu awoodda badnaa Maraykanka oo geeriyooday

Madaxweyne ku xigeenkii ugu awoodda badnaa dhammaanba Madaxweyne ku xigeennadii soo maray taariikhda Maraykanka Dick Cheney ayaa ku geeriday carriga Maraykanka isaga oo jira da’da 84 sano.

Waxa uu Maraykanka Madaxweyne ku xigeen ka soo ahaa intii u dhaxaysay 2001-dii ilaa 2009-kii wakhtigaas oo ahayd xilligii madaxweynaha uu ahaa George W. Bush waana wakhtigii ay dhaceen duullaanadii uu Maraykanku ku qaaday waddamadii Ciraaq iyo Afghanistan.

Dick Cheney waxa uu ka mid ahaa dadkii Bush ku qanciyey duullaankii Ciraaq ee 2003-dii isaga oo ku dooday in uu Saddaam ka dambeeyey qarxayadii 11 September.

Qoyskiisu waxa ay sheegeen in uu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah isaga oo Wadnaha laga beddelay sannadkii 2012-kii.

More in focus

To Top