Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Faransiiska oo baadhitaan ku samaynaysa barta ay bulshadu isticmaasho ee TikTok

focus

Dawladda Faransiiska oo baadhitaan ku samaynaysa barta ay bulshadu isticmaasho ee TikTok

Dawladda Faransiiska oo baadhitaan ku samaynaysa barta ay bulshadu isticmaasho ee TikTok

Danbi Baadhayaal u dhashay dalka Faransiiska ayaa bilaabay iney baadhis ku sameeyaan barta ay bulshada isticmaasho ee TikTok, kadib markii lagu eedeeyay Shirkadaasi iney ogolaatay in la baahin karo muuqaalada dhiirigelinaya isdilka, kaasi oo dhalinyarada u horseedi kara iney Naftooda halis galiyaan.

Arintani ayaa daba socota kadib markii ay dacwad ka dhan ah barta Tiktok ay gudbiyeen dhowr qoys oo faransiis ahi, iyo sidoo kale baadhitaano ay baarlamaanka Faransiisku sameeyeen kuwaasi oo ku saabsan saameynta nafsiyeed ee TikTok ku leeyahay carruurta, iyo warbixino kale oo ay soo saareen Hay’da Amnesty International kuwaasi oo arimahani ka digaya.

Shirkada TikTok oo soo saartay bayaan Salaasadii shalay, ayaa beenisay eedaha ku xusan warbixinta baarlamaanka ee horseeday baadhitaanka, iyagoo sheegay iney ka taxadaraan Amaanka iyo daryeelka dhalinyarada.

More in focus

To Top