Connect with us

somalilandtoday.com

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo war ka soo saartay safarka uu Madaxwayne Cirro ku tegay dalka Itoobiya

focus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo war ka soo saartay safarka uu Madaxwayne Cirro ku tegay dalka Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo war ka soo saartay safarka uu Madaxwayne Cirro ku tegay dalka Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safarka uu Madaxwaynaha JSL ku tegayo dalka Itoobiya ku tilmaantay fursad cusub oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta, saaxiibtinimad, iskaashiga iyo danaha labada dal, iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Qoraal ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in socdaalkan Madaxwaynuhu muujinayo ballaadhinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, ganacsiga, amniga iyo meelaha kale ee danaha guud, taas oo taageeraysa horumar waara iyo xiriir dhaqaale oo sii kobcaya.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa tilmaamtay in booqashadani ay fursad u noqon doonto in laga wada hadlo arrimo muhiim ah oo la xidhiidha amniga, siyaasadda iyo qaab-dhismeedka gobolka, iyadoo la rajaynayo in ay furi doonto waddo cusub oo iskaashi iyo is-faham ah oo ka dhex abuuranta Addis Ababa iyo Hargeysa.

Wasaaradda ayaa sheegtay in booqashadani aanay ahayn oo keliya mid rasmi ah oo dawladuhu yeeshaan, balse ay tahay fariin qoto dheer oo muujinaysa xidhiidhka taariikheed ee ka dhexeeya labada dhinac, iyo doonista lagu dhisayo mustaqbal wadaag ah oo ku salaysan rajo, xasillooni iyo amni waara gudaha Geeska Afrika.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top