Connect with us

somalilandtoday.com

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku guuleystay Abaalmarin Caalami ah

focus

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku guuleystay Abaalmarin Caalami ah

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku guuleystay Abaalmarin Caalami ah

Komishanka Doorashooyinka Somaliland (KDQ) ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ICPS Excellence Award 2025, taas oo lagu maamuuso hay’adaha doorashooyinka ee ugu hufan uguna shaqada fiican adduunka.

Abaalmarintan oo uu bixiso Machadka International Centre for Parliamentary Studies (ICPS) ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, ayaa lagu guddoonsiiyey intii lagu jiray Shirka 21aad ee Abaalmarinta Caalamiga ah ee Doorashooyinka (21st Annual International Electoral Award and Symposium), kaas oo ka dhacay magaalada Gaborone ee caasimadda Botswana, muddadii u dhaxaysay 1–4 October 2025.

Shirkan oo uu martigeliyey Komishanka Doorashooyinka dalka Botswana (IEC–Botswana), ayaa Somaliland lagu ammaanay dadaalka iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay dhanka hufnaanta, hal-abuurka iyo casriyeynta nidaamyada doorashooyinka, taas oo sababtay in KDQ lagu guddoonsiiyo abaalmarintan qiimaha badan ee ICPS Excellence Award.

Macnaha abaalmarinta ICPS Excellence Award waa mid ka mid ah billadaha ugu sarreeya ee lagu maamuuso hay’adaha doorashooyinka caalamka, iyadoo lagu qiimeeyo hufnaanta shaqo, hal-abuurka farsamo, iyo sida ay u xoojiyaan kalsoonida shacabka ee nidaamka codbixinta. Sababaha lagu bogaadiyey Somaliland Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu ammaanay:

1. Hirgelinta nidaamka Biometric Voter Registration and Verification (BVRS/BVVS), oo Somaliland ka dhigtay meeshii ugu horreeysay ee Geeska Afrika adeegsata nidaamkan casriga ah.

2. Qabashada doorashooyin xor ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo, oo ay kormeereen goobjoogayaal caalami ah kuwaas oo ku sifeeyey doorashooyinka Somaliland kuwo dimuqraadi ah oo tusaale u ah gobolka. Koomiishanka doorashooyinka ayaa sheegay in abaalmarintan ay tahay guul Somaliland gaadhay oo muujinaysa heerka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, taas oo muddo soddon sano ka badan ku dhaqmaysay nidaam doorasho oo nabad ah, iyada oo qabatay toban (10) doorasho oo nabad ah.

Komishanku waxa uu sheegay in guushan ay sare u qaadayso sumcadda Somaliland ee caalamka, isla markaana fariin cad u dirayso beesha caalamka in Somaliland ay leedahay hay’ado dimuqraadiyadeed oo madax-bannaan, daahfuran, hufan, isla markaana mudan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top