Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamada Israa’iil oo dilay Falastiiniyiin gargaar doon ah.

focus

Ciidamada Israa’iil oo dilay Falastiiniyiin gargaar doon ah.

Ciidamada Israa’iil oo dilay Falastiiniyiin gargaar doon ah.

Milatariga Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 92 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 56 gargaar-doon ah, kadib duqaymo ay ka fuliyeen gudaha Marinka Qasa ee ciidda Falastiin.

Xafiiska warbaahinta Falastiiniyiinta ee marinka Qasa ayaa sheegay in in ka badan 22,000 oo baabuurta gargaarka bini’aadantinimo ay ku sugayaan meel ka baxsan Marinka Gaza.

Xamaas ayaa sheegtay in ay u furan tahay hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) in ay gargaar gaarsiiso maxaabiista Israa’iil ee ku sugan Gaza.

Gurmadka la gaarsiinayo Marinka Qasa ayaa aad usii yaraanayey muddooyinkii dambe, waxaana la sheegay in 32 gaari oo gurmad sida ay gaareen ilaa Sabtidii la soo dhaafay.

More in focus

To Top