Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Xasan oo ka dagay Jabuuti iyo xogta kulanka Madaxweyne Geelle

focus

Madaxweyne Xasan oo ka dagay Jabuuti iyo xogta kulanka Madaxweyne Geelle

Madaxweyne Xasan oo ka dagay Jabuuti iyo xogta kulanka Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal , iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xidhiidha danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood.

More in focus

To Top