Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil oo ciidamo kale lagaga dilay dagaalada ka socda Gaza

focus

Israa’iil oo ciidamo kale lagaga dilay dagaalada ka socda Gaza

Israa’iil oo ciidamo kale lagaga dilay dagaalada ka socda Gaza

Xilli dagaalka ka socda Gaza uu galayo bishii shanaad ayaa waxaa weli dagaalo xoogan ka socdaan Waqooyiga, Badhtamaha iyo Koonfurta halkaasi oo ciidamo looga dilay militariga Israa’iil.

Xoogaga Xamaas ayaa muuqda inay weli awood ku leeyihiin Waqooyiga iyo Bartamaha Gaza oo ay Israa’iil hore u sheegtay inay ciidamadooda la wareegeen, waxaana shalay oo Axad ahayd askar lagaga dilay dagaalka ka socda Badhtamaha Gaza.

Israa’iil ayaa qiratay in dagaalka shalay lagaga dilay hal askari, balse warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 askari lagaga dilay dagaalada ay la galeen dagaalyahanada Xamaas.

Israa’iil ayaa shalay oo Axad ahayd duqeyn xoogan la beegsatay koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis iyo magaalada Rafah oo ah halka ay ku sugan yihiin inta badan shacabka guryahooda laga baro-kiciyey.

127 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeynta Israa’iil ku wado deegaankaas tan iyo Sabtidii doraad.

Maamulka caafimaadka Gaza ayaa sheegay shalay tiradda shacabka lagu dilay tan iyo markuu dagaalka bilowday ay gaadheyso 27,300 oo Falastiiniyiin ah. Waxay sheegeen in boqolkiiba 70 dadka la dilay ay ahaayeen haween iyo carruur.

More in focus

To Top