Connect with us

somalilandtoday.com

“Qadadaas Qaalliga Ah Ee Laga Bixiyay Jeebka Dadkaas Hadda Abaartu Hayso Inay Afkooda U Quudhaan Aniga La Igala Wanaagsana..” Guuleed Dafac

News

Horta sideedaba dadku way iska jecel yihiin inay madaxtooyada galaan. Haddii uu aqalka galo oo xitaa aanu madaxwayne arag, waxa uu soo noqonaya isaga oo leh “saaka madaxtooyada ayaan galay.” Dabadeed na? Aqalka shaqo ayaa ka socoto e miyaa laga barakaystaa?

Xildhibaanada qadada tegay may dambaabin ee yaan lagu fogaan. Rag badan oo sharaf lihina waa ka mid.

 Balse waxa fiicnaan lahayd in si fiican loo fahmo awoodda shacabku siiyay wakiilada oo ay ku sugaan cid walba aqalkooda. Waa karaamo dadku siiyay oo ay tahay inay dhawraan. Qadadaas qaalliga ah ee laga bixiyay jeebka dadkaas hada abaartu hayso inay afkooda u quudhaan aniga la igala wanaagsan. Quud kii bixiyay ka gaajonayo maxaad ku falaysaa.

Inta hal xildhibaan saaka cunay, ugu yaraan 17 qoys ayaa quudan lahaa. Waxa aan ka qiyaas qaatay in tirada u badan ee shacabku ay ku nool yihiin wax ka yar hal doolar maallinta, iyo qadaadaasi aanay ka yarayn 17 doolar isku darkeeda, halkii xildhibaan.

W/Q Guuleed Dafac

More in News

To Top