Connect with us

somalilandtoday.com

Shil Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

focus

Shil Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Shil Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

(SLT-Laascaanood)-Shil ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Laascaanood Iyo deegaanka Gambadha ee Bariga Gobolka Sool, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay shilkaas dhacay.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaadhi nooca Soomaalidu u taaqanno Booyadda uu jiidhay Geel farabadan waddada soo galay, waxaana dad goob joogayal ah ay sheegeen in Geelu uu fadhiyay waddada kadibna uu gaadhigu ku yimid.

Khasaaraha ayaa ah ku dhawaad Labaatameeyo Geel ah oo halkaasi ku baaba’ay, degaanka uu shilku ka dhacay oo ah dhul baaddiye ah ayaan jirin Ciidan ama gurmad kale oo gaadhay sida la sheegayo.

Wali maamulka Gobolka Sool iyo mas’uuliyiinta Somaliland kama hadlin arrintaan, waxaan muddooyinkii danbe soo badanayay Shilalka ka dhaca dalka Somliland, inkastoo shilkaani ay ka duwan yahay shilalkii hore uga dhici jiray dalka.

More in focus

To Top