Connect with us

somalilandtoday.com

Duulimaadkii Ugu Horreeyay Taariikhda Oo Saaka U Kala Gooshi Doona Israa’iil Iyo Imaaraadka Carabta

focus

Duulimaadkii Ugu Horreeyay Taariikhda Oo Saaka U Kala Gooshi Doona Israa’iil Iyo Imaaraadka Carabta

Duulimaadkii Ugu Horreeyay Taariikhda Oo Saaka U Kala Gooshi Doona Israa’iil Iyo Imaaraadka Carabta

(SLT-Dubai)-Markii ugu horreysay taariikhda, waxa saaka lagu wadaa in duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xidhiidhka u dhexeeya.

Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefti ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaadhidda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed.

Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil.

Waxa sii raaci doona mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israa’iil.

More in focus

To Top