Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Fasaxday Qaadka

focus

Puntland Oo Fasaxday Qaadka

Puntland Oo Fasaxday Qaadka

(SLT-Garoowe)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka maamul gobolleedka Puntland oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inay khafiifiyeen amaradii xayiraada ee ay hore ugu soo rogeen deegaanada maamulkaasi.

Jaamac Faarax Xasan ayaa sababta ku sheegay munaasabadda Ciidul-Fidriga ee fooda inagu soo heysa, sidaas awgeed ay garteen in la khafiifiyo xayiraadda.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in la fasaxay dhammaan isku socodka xuduudaha iyo Qaadka la soo geliyo maamulka Puntland, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in aan Jaadka lagu iibin karin agagaarka xarumaha maamulka iyo kuwa Qaramada Midoobay, sababo la xadhiidha ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ma shaacin wasiirka caafimaadka Puntland in Ciida Soon-Fur kadib dib la soo celinayo bandowga iyo in kale, balse wuxuu xusay inay dib uga fakiri doonaan go’aamadaasi.

Puntland ayaa bandowga soo rogtay 27-kii march, si loo xakameeyo fidista Coronavirus oo laga helay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi

More in focus

To Top