Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney 113 Jir Oo Noqotay Qofka Ugu Da’da Weyn Ee Ka Bogsada Cudurka Coronavirus

focus

Haweeney 113 Jir Oo Noqotay Qofka Ugu Da’da Weyn Ee Ka Bogsada Cudurka Coronavirus

Haweeney 113 Jir Oo Noqotay Qofka Ugu Da’da Weyn Ee Ka Bogsada Cudurka Coronavirus

(SLTHaweeney 113 sanno jir ah ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn ee dalka Spain ka bogsada Cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Maria Branyas oo 113 jir ah ayaa ka baxday Cisbitaalkii lagula tacaalayay ee Santa Maria del Tura Care oo ku yaalla magaalada Olot ee bariga dalka Spain.

Haweeneydan ayaa asalkeeda ku dhalatay magaalada San Fransisco ee dalka Mareykanka 4-ta bisha March sannadkii 1907, waxaana ay ku nooleyd dalka Spain sanadihii 1918-1919 oo Adduunka ku dhiftay hargab saf-mar ahaa oo tirada dadka ku dhintay lagu qiyaasay 50 milyan.

Maria ayaa waxaa loo tixgaliyaa inay tahay qofka ugu da’da weyn dalka Spain, marka loo eego diiwaanka kooxda caalamiga ee cilmi baadhista dalka Spain ee Gerontology oo ah koox raad-raac iyo kormeer ku sameysa dadka da’dooda gaadhay 110 sanno.

Si kastaba ha ahaatee warbixino hore loo shaaciyay ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 ay u dhintaan dadka da’dooda u ka sareeya 40-60 sano, waxaana haatan soo baxaya dad da’dooda intaa ka weyn oo si layaab leh uga badbaaday cudurkan.

More in focus

To Top