Connect with us

somalilandtoday.com

Rag Dil Iyo Dhac Ka Geystay Gobolka Sanaag Oo Gacanta Lagu Dhigay

focus

Rag Dil Iyo Dhac Ka Geystay Gobolka Sanaag Oo Gacanta Lagu Dhigay

Rag Dil Iyo Dhac Ka Geystay Gobolka Sanaag Oo Gacanta Lagu Dhigay

(SLT-Sanaag)-Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo shalay dil iyo dhac ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Ragga lagu soo qabtay howlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa tiro ahaan gaadhaya illaa laba qof, kuwaas oo shalay toogasho ku dilay marxuum Cabdiwahaab Cawil, xilli ay kala dageen gaadhi uu watay oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaadhiga marxuumka oo ay hore u kaxeysteen raggaasi iyo laba qoray oo ay wateen.

Saraakiishaan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay ku raad joogaan saddex qof oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la soo qabtay.

Inta badan dilalka ka dhaca Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay salka ku hayaan dilal la xidhiidha aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelaha wada daga gobolladaasi.

More in focus

To Top