Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda Twitter Oo Fasax U Dirtay Shaqaalaheeda Cabsida Coronovirus Darteed

focus

Shirkadda Twitter Oo Fasax U Dirtay Shaqaalaheeda Cabsida Coronovirus Darteed

Shirkadda Twitter Oo Fasax U Dirtay Shaqaalaheeda Cabsida Coronovirus Darteed

(SLT-Washington)-Iyadoo cabsida la qabo faafitaanka cudurka Coronvirus ee adduunka ayaa Shirkadda Twitter ee baraha bulshada waxa ay shaqaalaheeda kula talisay in ayna soo shaqo tegin oo ay ku shaqeeyaan guryahooda.

Shaqaalaha shirkadda ee wadamada Japan, Koriyada koonfureed iyo Jasiirada Hongkong ayaa la fasaxay, shaqaalaha qaarkood ayaa loo ogolaaday inay guryahood ku shaqeeyaan.

Ilaa 5,000 kun oo shaqaalaha shirkadda Twitter ee adduunka oo dhan ayay shirkadu fasaxday, waxay kaloo shirkadu joojisay shirar caalami ah oo lagu qaban Maraykanka iyo wadamo kale

”Hadafkayagu waa inaanu yarayno khatarta Coronovirus ee shaqaalahayaga” Sidaas waxaa yidhi Jennifer Christie oo ah madaxa shaqaalaha ee shirkadda Twitter

Shirkadaha facebook iyo google ayaa qaaday tallaabooyin la mid ah tan twiteerka. dad ka badan 3000 kun qof ayaa u dhintay cudurka Coronovirus, waxaana uu ku faafay cudurku illaa 50 waddan oo caalamka ah.

More in focus

To Top