Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaashii Ahlu Sunna Iyo Ciidamadoodii Oo Isku Dhiibay Ciidammada Dowladda Soomaaliya

focus

Hoggaamiyaashii Ahlu Sunna Iyo Ciidamadoodii Oo Isku Dhiibay Ciidammada Dowladda Soomaaliya

Hoggaamiyaashii Ahlu Sunna Iyo Ciidamadoodii Oo Isku Dhiibay Ciidammada Dowladda Soomaaliya

(SLT- Dhuusamareeb)-Hoggaamiyaashii ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyntii isku dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay ciidamadoodii ay is-dhiibeen.

Wadahadalo xalay oo dhan socday ayaa sababay in saaka waaberigii ay gudaha u galaan xarunta Inji oo ahayd halkii looga talinayay ururka Ahlu Sunna ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha guutada 15aad ee qeybta 21aad General Mascuud Maxamed.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay diiday dalabkii hore ee madaxda Ahlu Sunna oo ahaa inay isu dhiibayaan ciidammada AMISOM.

Ururka Ahlu Sunna oo hore wadahadallo ula galay dowlada federalka Soomaaliya isla markaana ku wareejiyay hubkii iyo ciidamadii ay lahaayeen ayaa hadda u muuqda inuu soo gabagaboobay xilligii ay awood siyaasad ama mid ciidanba ku lahaayeen gobolka Galgaduud.

More in focus

To Top