Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Yemen Oo Sheegay Inay Soo Rideen Diyaarad Dagaal Oo Sucuudigu Leeyahay

focus

Xuutiyiinta Yemen Oo Sheegay Inay Soo Rideen Diyaarad Dagaal Oo Sucuudigu Leeyahay

Xuutiyiinta Yemen Oo Sheegay Inay Soo Rideen Diyaarad Dagaal Oo Sucuudigu Leeyahay

(SLT-Yemen)-Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee boqortooyada Sucuudiga ayaa ku burburtay gobolka waqooyiga yemen ku yaalla ee Aljawf sida ay sheegtay wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA.

Kooxda Xuutiyintii ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaas oo nooceedu ahaa Tornado, hase yeeshee Afhayeen u hadlay xulafada Sucuudiga ee Yemen waxaa uu sheegay in diyaaradu ay soo dhacday xilli ay ku guda jirtay howlgal lagu caawinayay ciidammada Yemen.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in gantaal nooca lidka diyaaradaha oo ay ka ganeen dhulka uu soo riday diyaarada Sucuudiga.

Dhinaca kale, Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen diyaaradaha xulufada sucuudigu hoggaamiyo ay duqaymo ku dileen ugu yaraan 30 qof oo shacab ah gobolka Al-jawf maalintii shalay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top