Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Qiratay Inay Soo Riday Diyaaraddii Dadka Badan Ku Dhinteen

focus

IRAN Oo Qiratay Inay Soo Riday Diyaaraddii Dadka Badan Ku Dhinteen

(SLT-Tehran)-Dowladda Iran ayaa qiratay in si aan ula kac aheyn ay u soo rideen diyaaraddii rakaabka aheyd ee laga lahaa dalka Ukraine.

Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Iran ayaa lagu sheegay in falkan uu ku dhacay khalad uu bani’aadam sameeyay.

Bayaan laga akhriyay Telefishinka ayaa lagu sheegay in dadkii mas’uulka ka ahaa falkaas lala xisaabtami doono.

Dowladda Iran ayaa hore u sheegtay in diyaaradda ay cilad farsamo ah ku soo dhacday, iyadoo beenisay warar sirdoon oo sheegayay inay diyaaradda soo riday.

Diyaaradda ay laheyd Shirkadda Ukraine International ayaa waxaa saarnaa illaa 176 ruux oo 63 ka mid ah ay u dhasheen dalka Canada.

Habeenkii Arbacada ayay aheyd xilli Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay duqeynayeen saldhigyo Mareykanka ku lahaa dalka Ciraaq, waxaana la sheegayaa in diyaaraddan oo xilli habeen ka kacday garoonka diyaaradaha Tehran ay haleeshay gantaal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top