focus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Sacuudiga

Published on

(SLT- Jeddah)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaadhi karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh,

Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.

Copyright © 2020 Somaliland Today.