focus
Tirada Maxaabiis Uu Cafis U Fidiyey Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland
(SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Cafis u fidiyey 121 Maxbuus, Farxadda Ciidda Soon Awgeed.
Maxaabiista Cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xidhan Xabsiyada Gaalkacayo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso.
Wareegtada Cafiska ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland soo saartay ayaa u qornayd sidan:-
Cafis Maxaabiis
“Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xeer Madaxweyne Lr, os ee 29 May,2019 Cafis ugu fidiyey Maxaabiis Munaasibadda bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland
Markuu Arkay: Talo soo jeedinta Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo dhaqan-celinta.
Wuxuu Xeeriyey.
Waxa Cafis loo fidiyey Munaasibadda Bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed 121 Maxbuus oo ku kala xidhan Xabsiyada Puntland.
Xabsiga Boosaaso, 52 maxbuus
Xabsiga Qardho, 27 Maxbuus
Xabsiga Garoowe, 52 Maxbuus
Xabsiga Gaalkacayo, 13 Maxbuus..”