focus

Musharax U Tartamaya Xilka Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Maxkamad Lasoo Taagayo Iyo Sababta

Published on

(SLT-London)-Boris Johnson, oo ah Musharaxa loo Badinayo inuu Bedelo Theresa May, oo iska Casishay Ra’iisal Wasaarenimada Ingiriiska ayaa Maxkamad lasoo Taagayaa waxaana loo haystaa eedayn ku saabsan inuu been u sheegay shacabka ingiriiska sanadkii 2016-dii, Xilligaasi oo dalka UK ay ka socotay Olalaha Aftida ka bixidda Midawga Yurub.


Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa amar yeedhmo ah u jartay Mr. Boris Johnson, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ingiriiska.
Mr.Johnson ayaa lagu eedeeyay inuu ku olaleeyay xog been ah oo majaro-habaabisay bulshada, isla markaana uu dadka ugu sheegay in dawladdu ingiriisku ay todobaadkiiba ay xubnimada midawga Yurub ku bixiso £350 Milyan oo sidaas awgeed wuxuu dadka u sheegay inay doortaan in laga baxo Midawga Yurub.


hal ku dheggaasi ayuu ku dhejiyay baabuurta olalaha fariintaasi oo dad badan gaadhay ayaana hadda loo haystaa inay been ahayd.

Copyright © 2020 Somaliland Today.