Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Turkish Airlines Oo Rakaab Ay Ku Dhaawacmeen

focus

Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Turkish Airlines Oo Rakaab Ay Ku Dhaawacmeen

(SLT-Ankara)-Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa waxaa ku yimid khalkhal dhinaca hawada, xilli ay maraysay Badweynta Atlantik.

Diyaaradaasi oo ay la socdeen in ka badan 300 oo Rakaab ayaa la sheegay inay cadaadis dabaylo la kulantay, taasi oo sababtay inay dhawaacmaan 30 qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa.

Mid ka mid ah shaqaalaha Diyaaradda ayaa la sheegay inuu lugta ka jabay, halka rakaabka kalena uu soo garaay dhaawacyo.

Diyaaradaasi oo ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay Istanbuul iyo New York ayaa la sheegay inay si nabad ah ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York.

Tobanaan gaadiidka gurmadka ayaa la safay Garoonkaasi, iyadoo dadka dhaawacmay la dhigay Isbitaallo ku yaallo New York.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top