focus

Wakhtiga La Aasi Doono Madixii Shirkadda DP Workd Ee Lagu Dilay Magaalada Boosaaso Oo La Shaaciyay

Published on

(SLT-Malta)-Madixii Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin Shirkadda DP Workd ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta.

Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso.

Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-dii lagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalada Bosaaso ee maamul gobolleedka Puntland.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Soomaaliya.

Copyright © 2020 Somaliland Today.