focus
Kenya Oo Dhisaneysa Xarun Looga Hortagga Miinooyinka Lala Beegsado Ciiddanka Ka Jooga Dalkaasi Soomaliya.
(SLT-Nairobi)Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu khamiistii Shir-guddoomiyey Kulankii ugu horreeyey ee ay Golihiisa Wasiiradda yeeshaan sannadkan 2019-ka.
Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi, waxay Golaha Wasiiradda Kenya ku ansixiyeen dhismaha Xarunta ka-hortagga Qaraxyadda Miinooyinka (C-IED Center) oo laga dhisi doono Deegaanka Embakasi ee Nairobi.
Xaruntaasi ayaa la sheeegay in Ciiddanka Difaaca Kenya loo qalabayn doono, si ay u bartaan Teknoolajiyadda iyo qaabka loo kala furfuro miinooyinka dhulka lagu aaso.
Dowladda Kenya waxay sheegtay inay Xaruntaasi waxtar u yeelan doonrto Ciiddankooda ku sugan Somalia, halkaasi oo ay inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsadaan inay qaraxyadda iyo miinooyika la beegsadaan Ciiddanka Kenya iyo kuwa kale ee ka hawlgala gudaha Somalia.