focus

Gabadh Wariye Ah Oo Muddo Ku Xidhneyd Mareykanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Waddanka Iran

Published on

(SLT-Tehran)-Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ayaa dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xidhneyd Mareykanka.

Marzieh Hashemi, oo war akhriye ka ah Press Tv, ayaa la xidhey 13-kii January kadib markii ay soo caga dhigatay St. Louis, Missouri, oo ay qoyskeeda ku booqaneysay. Waxa la hayay muddo 10 maalmood ah.

Mas’uuliyin Mareykan ah ayaa sheegey in la sii daayay Marzieh isbuucii la soo dhaafay kadib markii baadhis lagu sameeyay.

Dowaldda Mareykanka ayaan faahfaahinin kiiska gabadhhaasi wariyaha aheyd.

Marzieh ayaa boqollaal dad ah ku soo dhaweeyay gegeda dayuuradaha ee Imam Khomeini International Airport Arbacadii.

Copyright © 2020 Somaliland Today.