Connect with us

somalilandtoday.com

Talyaniga Oo Dalka Soomaliya Ka Caawinaaya Wax Soo Saarka Beeraha.

focus

Talyaniga Oo Dalka Soomaliya Ka Caawinaaya Wax Soo Saarka Beeraha.

(SLT-Muqdisho)Waxaa  heshiis ku wada saxeexday  Magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka Dalkaasi Soomaliya  Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo waraabka.

Heshiiska ayaa Waxaa qeyb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho,hirgelinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka(Meodern Irrigation Technology) ,Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyaddoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.

Waxaa munaasabada kasoo qayb galay Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xiggeenka Beeraha Mudane Xaamul Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Maxamuud Maxamed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top