focus
Jamaal Cali Xuseen Oo Arrin Yaableh Ka Hadlay, Walaacna Ka Muujiyay Sida Ay Wax U Socdaan
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee aqoonta fogleh, Kana Tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, horena Musharax Madaxweyne uga noqday, kuna soo tabcay Xisbinimaddii iyo inuu mar kale tartantii Ururada kasoo baxo Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa Bulshada la wadaagay qoraal kooban oo quluubta dadkii daalacday taabtay.
Aqoonyahanka oo ah siyaasiyiinta daljirka ah ee Dalkani Somaliland leeyahay ee aqoontooda uga faa’iidaya inay kolba wixii jooga bulshada la wadaagaan ayaa Shalay waxa uu bartiisa Facebookga soo dhigay Qoraal Kooban oo haddanna Macnoyaal badan oo baahsan leh islamarkaana soo jiidtay dadka inta badan ku xidhan ee akhrista Qoraalada uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen la wadaago Bulshada. Waxa uu inta badan Siyaasi Jamaal Baraha Xidhiidhka Bulshada soo dhigaa qoraal maldahan oo macnayntooda lagu wareero ama ay adag tahay inuu si dhib yar u fahmo qof aan si fiican ula socon Xaalad siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee ay Somaliland ku sugan tahay.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, qoraalka uu soo dhigay Shalay Barta uu ku leeyahay Facebookga ee uu Bulshada kala xidhiidho ayaa ku qotomay dareen damqasho oo uu aqoonyahanku ku sheegay inuu ka qaatay hanaanka Wax u socdaan, waxa qoraalkiisa ka muuqatay inuu aqoonyahanku ka damqaday waxa uu ugu yeedhay been umadda maalin walba laga iibinayo taasi oo ku soo afmeeranta wax uu ugu yeedhay Digo iyo Dambas, waxaanu Qoraalkiisu u dhignaa sidan “Ummad dhan Oo been maalin walba laga iibinayo Oo weliba qaarkood ay beentii difaacayaan waa mid subxaanaleh. Digo iyo danbas baa la kala iibsanayaa. Ilaahay ha sahlo!” ayuu qoraalkiisa ku soo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.