(SLT-Jigjiga) Boqolaal kamid ah Ciidamadda Jabhaddii ONLF ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya .
Ciidamadan oo qaarkood aan 15-sanno arkin waalidkood iyo qoysaskoodi ayaa laga dheehanaayay qiirada iyo xamaasada ku ladhnayd soo dhawaynta.
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abby Ahmed ayaa isbadalka ballaadhan ee uu ka wado Geeska Afrika Wuxuu u sahlay inay Eritrea Dalkeeda ka soo saarto dhammaan Ciimaddi fadhiisimada u aha oo ONLF ku jirto . Sidoo kale Wuxuu liiska Argagixisada ka saaray madaxda iyo Askarta ONLF taas oo keentay inay gudaha u soo galaan Dalkoodi .