focus Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Baydhabo, Al-Shabaab Oo Sheegtay Qaraxyadii Dadka Badan Ku Dhinteen By Wariye Published on October 14, 2018 (SLT-Hargeysa)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayeen.Waxaa halkaasi ku dhintey 7 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, iyadoo qaraxa Labaadna lala eegtay maqaayadda Beder oo la xaqiijiyey in Saddex qof oo uu ku jiro Nabadoon caan ah ku dhiteen.Saraakiisha caafimaadka ee Baydhabo ayaa sheegay in dhaawaca uu gaarayo 20 qof oo shacab ah.Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay.Weerrarka waxaa sheegatay xarakada Al-Shabaab, taas oo sheegtay inay bartilmaameesanaysay goobo ay isugu yimaadaan saraakiisha iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed. Related Topics: focus Xukumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Weftiga Itoobiya focus Maraykanka Oo U Garnaqay Somaliland Iyo Soomaaliya focus Bariiska Carruurtayda English Bulshada La Jaarka Ah Beerta Madaxweyne Biixi Oo WADDANI Ku Biiray English Xiisad Cusub Oo Ka Dhex Qaraxday Somaliland Iyo Jabuuti News Daawo: Maamulka Dugsiga Shiikh Ibraahim Oo Qalab Computer Kala Wareegay Jaamacada Adimton