focus

Maayarkii Degmada Borama Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Bedelkiisii Oo La Doortey

Published on

(SLT-Boorama)-Maayarkii Magaalada Boorama ayaa saaka ay xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ka qaadeen xilkii maayarnimo.

Fadhigan saaka xilka lagaga qaaday maayarka waxaa soo xaadiray labaatan xildhibaan, waxaana maqnaa xildhibaan keliya. Waxaa sidoo kale fadhiyay Wasiir Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo badhasaabka Gobolka Awdal.

Waxaana jagada maayarnimada ku tartamay maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste), waxaana ku guulaystay maayarka cusub ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo Hal cod kaga badiyay Xildhibaan Dheerayste.

Xil ka qaadista maayarka ayaa timid kadib markii Hanti dhawraha qaranka Somaliland uu baadhitaan uu ku sameeyay xafiiska maayarka Boorama, taasi oo wararku sheegeen in lagu helay hantilunsi.

Copyright © 2020 Somaliland Today.