Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Sidee Xaaladda Maxaabiista Soomaalida Ah Ee Ku Xidhan Xabsiyadda Sucuudiga

focus

Waa Sidee Xaaladda Maxaabiista Soomaalida Ah Ee Ku Xidhan Xabsiyadda Sucuudiga

(SLT-Riyadh)-Qunsulka Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaali ah,

Qunsulka oo la hadlay wakaaalada Sonna ayaa sheegay in ujeedka booqashadiisa ay la xidhiidho sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys,  Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys, wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn  lahaa arrimohooda, islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan.

Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xidhiidhay Amb Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay qunsulka.

“Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomalaiyeed oo aan cadaaladda deg-deg ah u raadinayno, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadin Soomaaliyeed la xidho uu deg-deg loogu fududeeyo howlihiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top