Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Dilka Ugu Hanjabay Ilhaan Cumar Oo Wajahaya 10 Sanno Oo Xabsi Ah

focus

Ninkii Dilka Ugu Hanjabay Ilhaan Cumar Oo Wajahaya 10 Sanno Oo Xabsi Ah

(SLT-Washington)-Patrick Carlineo, oo ah muwaaddin Mareykan ah islamarkaana hore dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka Mareykanka ayaa lagu helay dambi la xidhiidha in uu dil ug hanjabay Xildhibaan Mareykan ah.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Newyork ee dalka Mareykanka James Kennedy, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka ay sharci tahay haddana ayna ku jirin wax u dhimidda Xildhibaannada Mareykanka oo waliba dil loogu hanjabo.

Patrick Carlineo oo 55 jir ah ayaa Ilhaan Cumar dil ugu hanjabay Bishii March ee sannadkan isaga oo xilligaas ku eedeeyay inay argagixiso tahay isaga oo diinteeda iyo dhalashadeeda ku saleynayay.

Sonya Zoghlin, oo ah Qareenka u doodaya ayaa sheegay in wakiilka qofka uu ka yahay uu muujiyay aragtidiisa iyo fikirka uu siinayo dastuurka Mareykanka.

Maxkamadda dhegeysatay kiiska ayaa sheegtay in Patrick Carlineo lagu helay dambiga islamarkaana xukunkiisa kama dambeysta ah uu dhacayo 14ka February sannadka soo socda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top