Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka: Wariye Mareykan ah oo 16 sanno lagu xakumay

focus

Ruushka: Wariye Mareykan ah oo 16 sanno lagu xakumay

Ruushka: Wariye Mareykan ah oo 16 sanno lagu xakumay

Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa 16 sanno oo ciqaab xabsi adag ah ku xakuntay Evan Gershkovich oo ah wariye u dhashay dalkan Mareykanka, kaddib markii ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay danbi basaasnimo.

Wargeyska uu wariyahan u shaqeeyo ee Wall Street Journal, ayaa xakunka maxkamaddan ku sheegay ceeb iyo xakun been abuur ah.

Gershkovich, oo ah 32 jir ayaa sheegay in aanu danbi galin. Maxkamadeyntiisa ayaa ka dhacday Yekaterinburg bishi hore, kaddib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay inuu xog xasaasi ah ka helo warshad soo saarto taangiyada.

Wuxuu noqay wariyihi ugu horreeyay oo Mareykan ah oo lagu eedeeyo inuu falal jaasuusnimo ah ka waday Ruushka, tan iyo dagaalkii qaboobaa. Bishii March ee sannadki 2023-ki ayaa lagu xidhay magaalada Moscow.

More in focus

To Top