Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda DP World oo ka hadashay hawlaheeda shaqo ee Dekedda Berbera iyo hadallada ka soo yeedhay Soomaaliya.

focus

Shirkadda DP World ee Dubai laga leeyahay ayaa xaqiijisay in hawlaheeda ku saabsan Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ay u socdaan sidii loogu talogalay.

Siday werisay Wakaaladda wararka Reuters, Shirkadda DP World ayaa caddaysay in ay diiradda saareyso ammaanka iyo hufnaanta howlgalka dekedda Berbera iyo sidii loo taabogelin lahaa horumar dhaqaale iyo fududeynta ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika. Waxa kaloo shirkaddu ay sheegtay in aanay dheg u dhigaynin hadallada ka soo yeedhay Soomaaliya.

Shirkadda DP World ayaa marsadda Berbera ku maalgelisay 442 milyan oo Doolar, waxana heshiiska casriyaynta dekedda Berbera wada galay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP World. Taasina waxa ay qayb ka tahay cilaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta.

More in focus

To Top