Connect with us

somalilandtoday.com

Wargeys shaaciyay in dalka Imaaraadka Carabtu uu qarka u saaran yahay inuu aqoonsado Somaliland

focus

Wargeys shaaciyay in dalka Imaaraadka Carabtu uu qarka u saaran yahay inuu aqoonsado Somaliland

Wargeys shaaciyay in dalka Imaaraadka Carabtu uu qarka u saaran yahay inuu aqoonsado Somaliland

Warsidaha The Tanzania Times ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in dalka Imaaraadka Carabtu uu qarka u saaran yahay inuu aqoonsado madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in dalka Imaaraadka Carabtu uu aqbalay baasaboorka iyo dukumentiyada kale ee socdaalka Somaliland oo lagu daray dalalka Afrika ee dawladda Imaaraadku u ogoshahay inay siiso dal-ku-galka sannadkan 2026ka.

Warsidaha The Tanzania Times wuxuu sheegay in tallaabadani ay ka turjumayso in Imaaraadka carabtu uu si dadban u aqoonsaday madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xidhiidh maalgashi iyo ganacsi la leedahay dawladda Imaaraadka carabta, iyadoo shirkadda DP World ay marsada caalamiga ah ee Berbera maalgelisay, isla markaana ka dhigtay deked casri ah oo lagu wado inay noqoto mid u adeegta mandaqada Geeska Afrika oo dhan.

Jimcihii toddobaadkii hore ayay Dawladda Israel noqotay dalkii u horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kalena, waxa isa soo taraya dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyaddeed oo ka socda dunida, kuwaasi oo garowsaday xaqa Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay aqoonsigeeda.

Waxa lagu wadaa in dalal kale ay dhawaan shaaciyaan aqoonsiga Somaliland.

More in focus

To Top