Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamada dawladda Yemen oo qabsaday saldhigyo istiraatiiji ah

focus

Ciidamada dawladda Yemen oo qabsaday saldhigyo istiraatiiji ah

Ciidamada dawladda Yemen oo qabsaday saldhigyo istiraatiiji ah

Ciidamada dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, kana helaya taageerada Sacuudiga, ayaa maanta ka qabsaday saldhigyo istiraatiiji ah ciidanka Golaha Koonfurta Yemen (STC), oo Imaaraadka uu taageerro.

Goobaha ay ciidamadu kala wareegeen STC waxaa ka mid ah saldhigga Guutada Gaashaaman ee 37-aad, oo ku yaalla deegaanka Al-Khasha ee gobolka Hadramout.

Saldhiggan ayaa lagu tilmaamay mid leh muhiimad istiraatiiji ah, maadaama uu door weyn ka ciyaaro gudbinta sahayda, isla markaana uu ku yaallo marinno muhiim ah oo isku xidha gudaha Hadramout, gobolka ay haatan ka socdaan dagaallada ugu culus.

More in focus

To Top