Connect with us

somalilandtoday.com

Bahda Cadaaladda Somaliland oo Ku Heshiyey Qabsoomidda Shirarkooda

focus

Bahda Cadaaladda Somaliland oo Ku Heshiyey Qabsoomidda Shirarkooda

Bahda Cadaaladda Somaliland oo Ku Heshiyey Qabsoomidda Shirarkooda

Maanta waxaa xarunta Maxkamadda Sare ee Somaliland ka dhacay kulan muhiim ah oo ay iskugu yimaaddeen Bahda Cadaaladda .

Kulankan waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, waxaana ka qayb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geelle, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Yoonis Axmed Yoonis, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Maxamed Cabdi Xaashi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa qabsoomidda labada shir ee mudada u qorshaysnaa bahda cadaaladda, kuwaas oo kala ah Shirka Cadaaladda iyo Shirka Garsoorka.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in labada shir lagu qabto wakhtiyadii loo asteeyay islamarkaana si wadajir ah looga qayb galo. Go’aamada Kulanka

• Shirka Guud ee Cadaaladda waxa uu furmi doonaa 2-da December 2025

• Shirka Garsoorka waxa uu qabsoomi doonaa 26-ka January 2026 Intii kulankaasi socday, masuuliyiintu waxay ka jeediyeen hadallo kooban oo ay kaga warbixinayeen ujeeddada kulanka, diyaar-garowga shirarka Sidoo kale, madaxda bahda cadaaladdu waxay u mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Shir Gudoonka Baarlamaanka oo door muhiim ah ka qaatay xalinta khilaafkii hore u jiray, Kulanka waxa uu ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo adkaynta wada shaqaynta hay’adaha garsoorka iyo wasaaradda cadaaladda

Xafiiska Warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top