Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka oo Jabhad islaami ah oo caan ah ka saaray liiska argagixisada

focus

Maraykanka oo Jabhad islaami ah oo caan ah ka saaray liiska argagixisada

Maraykanka oo Jabhad islaami ah oo caan ah ka saaray liiska argagixisada

Maamulka Mareykanka ayaa ka saaray kooxda al-Nusra ee ka dagaalanta dalka Suuriya liiska kooxaha uu u aqoonsan yahay ururro argagixiso, sida lagu sheegay qoraal la shaaciyey dhawaan.

Jabhat al-Nusra waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Xayaat Taxriir al-Shaam, ka dib markii hore loogu yeeri jiray garabka Al-Qaacida ee Suuriya.

Qoraalka oo ku taariikhaysan 23-kii Juun oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, ayaa si hordhac ah loogu galiyey Diiwaanka Federaalka ka hor inta aan si rasmi ah loo daabicin Talaadadii. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Suuriya ilaa hadda.

Ururkan ayaa waxaa hogaaminayey madaxweynaha hadda xukuma Suuriya Axmed Al-Sharaa oo 8 Disembar ee kal hore xukunka ka tuuray Bashaar Al Asad, kaasoo xiriirka kala dhaxeeya Maraykanka uu hadda soo hagaagayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top