Connect with us

somalilandtoday.com

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo wacad ku maray inuu burburin doonaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas

focus

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo wacad ku maray inuu burburin doonaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo wacad ku maray inuu burburin doonaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay gebi ahaanba burburin doonaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, inkastoo uu cadaadis kala kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku baaqaya xabbad joojinta laga dhaqan galiyo Gaza.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa mar uu booqasho ku tagay magaalada Ashkelon, oo u dhow xudduudda waqooyi ee Qaza, waxa uu yidhi “Waan sii dayn doonnaa dhammaan la haystayaashayada wax kasta oo ay nagu qaadato, waananu baabi’in doonnaa Xamaas, waxaana tirtiri doonnaa magacooda”.

Waxa uu si cad ugu celiyay arrintiisa, isaga oo leh, “Gabi ahaanba waanu baabi’in doonaa, xididdadana u siibi doonaa”.

Waxaa xusid mudan in 2-dii bishan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Israa’iil ay ogolaatay ‘shuruudaha lagama maarmaanka u ah’ si loo dhaqangaliyo magaalada Qaza xabbad-joojin 60-maalmood ah

Israel ayaa duqeymo militari ka fulisay Qaza kadib markii Xamaas ay weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii October , 2023. Weerarkii Xamaas ee Israel waxa ku dhintay ilaa 1,200 oo qof. si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 56,647 qof lagu dilay Qaza illaa hadda.

More in focus

To Top