Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland oo sheegtay inay qorsheeyeen in sannadkan 2026-ka dalka laga bilaabo shidaal qodista

focus

Somaliland oo sheegtay inay qorsheeyeen in sannadkan 2026-ka dalka laga bilaabo shidaal qodista

Somaliland oo sheegtay inay qorsheeyeen in sannadkan 2026-ka dalka laga bilaabo shidaal qodista

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in ay qorsheeyeen in dalka horaanta sannadka 2026ka laga bilaabo shiidaal qodistii taas oo ay wadeen laba shirkadood oo caalami ah kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE).


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay sahanno rejo fiican leh oo xaqiijinaya in Somaliland uu ku jiro Shiidaal, Waxaanu xusay in la xoojiyay nidaamka Sharciyada Batroolka, Heshiiska Qaabka Wadaagga Wax-soo-saarka (PSA), iyo siyaasadaha taageeraya hawlgallada shiidaalka.


Wasiirka ayaa intaa ku daray in shirkadda Genel Energy ay haysato laba aag (blocks) oo ku yaalla bariga dalka. Isla markaana ay dhammaystireen daraasado farsamo oo ballaadhan, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah.


Wasiir Axmed Jaamac Barre ayaa sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo ay daabacday warbaahinta St.Vincent Times.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top