Connect with us

somalilandtoday.com

ITOOBIYA oo ka qaylisay qorshe ay sheegtay in uu damacsan yahay Madaxweynaha Eritrea

focus

ITOOBIYA oo ka qaylisay qorshe ay sheegtay in uu damacsan yahay Madaxweynaha Eritrea

ITOOBIYA oo ka qaylisay qorshe ay sheegtay in uu damacsan yahay Madaxweynaha Eritrea

Xildhibaan Dina Mufti, oo horey u ahaa afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, in uu faafinayo aragti uu ku tilmaamay “mid aad khatar u ah” oo sheegaysa in ay jiraan “isku dhacyo u dhexeeya qowmiyadaha Cushitic iyo Semitic.”

Dina ayaa arrintan ku sifeeyay dadaal ballaadhan oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Itoobiya lana abuuro isbahaysi siyaasadeed cusub oo ka hirgala Geeska Afrika.

Qoraal uu ku daabacay Horn Review, oo ah warbaahin si dhow ula shaqeysa dowladda, Dina ayaa ka falceliyay khudbaddii uu Madaxweyne Isaias jeediyay xuska sannad-guuradii 34-aad ee madaxbannaanida Eritrea. Wuxuu ku andacooday in Isaias “la yimid aragtidan” si uu u dhidibo qorshe ku wajahan “dib u habeynta xoogagga siyaasadeed ee Geeska Afrika.”

Wuxuu arrintan ku eedeeyay siyaasadihii “ay hormuudka ka ahaayeen Mareykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa,” iyo “khaladaad culus” oo uu sheegay in ay sameeyeen hoggaamiyayaashii Midowgii Soofiyeeti.

Sida uu hadalka u dhigay, Itoobiya waxay seegtay fursaddeedii dhismaha qarannimo, halkii ay ka dooratay “in ay ku burburto kala qaybsanaan qowmiyadeed,” taasoo uu ku tilmaamay sababta “kacdoonnada iyo burburka dalka.”

Madaxweyne Isaias wuxuu sidoo kale ku eedeeyay xoogag shisheeye — kuwaas oo uu sheegay in ay ka niyad-jabeen isbeddelladii rajo-gelinta lahaa ee Itoobiya ka bilowday toddoba sano ka hor — in ay hurinayaan “dagaallo lagula jiro shacabka Itoobiya” iyada oo la adeegsanayo magaca Xisbiga Barwaaqo (Prosperity).

Wuxuu intaa ku daray in khudbadda inteeda kale ay ahayd “muxaadaro dheer oo ku saabsan arrimo juqraafi siyaasadeed,” oo ay ka mid ahaayeen falanqayn ku saabsan maamulka Donald Trump, dhaqdhaqaaqa MAGA, iyo tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka.

Dina wuxuu xusay in hadallada Madaxweynaha ay muujiyeen “yareyn iyo iska indhatirid muuqata oo ku saabsan doorka Afrika,” kahor inta uusan hadalka u weecin “muranada ka taagan Suudaan iyo Itoobiya.”

Marka laga soo tago hadalka, Dina wuxuu ku eedeeyay Isaias in “ciidamo Eritrean ah ay weli joogaan gudaha Suudaan iyo dhul Itoobiya ka tirsan,” isaga oo intaa ku daray in madaxweynuhu uu siiyo “taageero maaddi ah kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.”

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top