Xubnaha xulafada reer galbeedka ee Nato ayaa looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan weerar suurtagal ah oo kaga yimaada Ruushka afarta sano ee soo socota, sida uu sheegay madaxa difaaca ee Jarmalka.
General Carsten Breuer ayaa BBC-da u sheegay in Ruushka uu soo saaro boqollaal taangi sanadkii, kuwaas oo intooda badan loo adeegsan karo weerar lagu qaado xubnaha Nato ee wadamada Baltic marka la gaadho 2029 ama xitaa ka hor.
Waxa uu sidoo kale ku adkaystay Nato, (North Atlantic Treaty Organisation), in ay weli ku midaysan yihiin dagaalka Ukraine, inkasta oo uu jiro kala duwanaansho fikradeed ay dhawaan muujiyeen Hungry iyo Slovakia.
Gen Breuer waxa uu ka hadlayay shirka Shangri-la Dialogue, oo ah shir-madaxeedka difaaca ee Singapore oo ay soo qaban qaabisay machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed.
Hadaladiisa ayaa imanaya todobaadyo ka hor shir madaxeedka wadamada Nato ee ka dhacaya Hague halkaas oo la filayo inay kaga hadlaan miisaaniyada difaaca, iyo mowduucyo kale.
Gen Breuer waxa uu sheegay in Nato ay wajahayso “halis aad u daran” oo kaga imanaysa Ruushka, taas oo aanu hore u arag 40-kii sano ee uu shaqaynayey.
Waqtigan xaadirka ah, ayuu yidhi, Ruushku wuxuu dhisayaa ciidammadiisa ilaa xad, isaga sanad kasta soo saaraya ku dhowaad 1,500 oo taangiyada dagaalka ah.
“Taangi kasta uma socdo dagaalka Ukraine, laakiin sidoo kale waxay ku socotaa kayd iyo qaabab cusub oo milatari oo mar walba wajahaya Galbeedka,” ayuu yidhi.
Ruushka ayaa sidoo kale soo saaray afar milyan oo xabo oo 152mm madaafiic ah sanadkii 2024, iyaguna sidaas oo kale uma socdaan Ukraine, ayuu raaciyay Gen Breuer.
Tirooyinka la sheegay ee milateriga ee uu samanayo Ruushku ayaa Jarmal iyo wadamada xulafada ah ee la socda arrimaha Ruushka.
Janaraalka ayaa ku adkaysanaya weerarka uu saadaaliyey ee Ruushka waxaana uu yidhi “Waxaa jira ujeedo, waxaa jira kayd badan oo Milateri oo la samanayo” waa suurtagalnimada weerar mustaqbalka ee xubnaha gobolka Baltic ee Nato, ayuu yidhi.
“Arrimahani waa waxa ay falanqeeyayaasha qiimeynayaan. Markaa waa inaan u diyaar garownaa 2029”. General Carsten Breuer waxa uu qabaa in arrimuhu ay ka horayn karaan sanadka 2029.
Dad badan ayaa muddo dheer ka baqayay in weerar lagu qaado dalka Nato, maadaama uu sababi karo dagaal weyn oo dhex mara Ruushka iyo Maraykanka oo xubin muhiim ah ka ah Nato. Sida uu dhigayo qodobka 5-aad ee heshiiska Nato, weerar kasta oo lagu qaado dal xubin ka ah waxay ka dhigan tahay in xubnaha kale ay soo galaan difaacooda.
Gen Breuer wuxuu si gaar ah u tilmaamay waxa loogu yeedho Suwalki Gap, oo ah aag xuduudaha Lithuania, Poland, Russia iyo Belarus, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu nugul. Carsten Breuer waxa uu intaa ku daray in wadamadaasi ay dareemayaan kulaylka dabka.
Xubnaha Nato waa in ay mar kale dhistaan ciidankooda, ayuu ku dooday Gen Breuer. “Waxa ay tahay inaan sameyno hadda. Waxaan u baahanahay inaan awoodno inaan is difaacno oo aan dhisno wax ka hortag ah.”
Mar BBC-da wax ka weydiisay isku-duubnida Nato, iyada oo la eegayo xidhiidhka dhow ee Hungary iyo Slovakia ay la leeyihiin Moscow, Gen Breuer wuxuu ku adkeystay in isbaheysiga uu weli caafimaad qabo.
Waxa uu tilmaamay go’aamada Finland iyo Sweden ee ku biirista Nato wax yar ka dib markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine. “Weligay ma arag midnimo la mid ah sida ay hadda tahay” oo ka dhex jirta quruumaha iyo hoggaamiyeyaasha milatariga, ayuu yidhi.
“Dhammaantood way fahmeen khatarta hadda ku soo wajahan Nato, dhammaan waxay fahmaan inaan horumarinayno jihada ka hortagga, jihada difaaca wadajirka ah. Tani waxay u caddahay qof walba, degdegga ayaa la arkay.”
Hadalka Gen Breuer ayaa weli ah calaamad kale oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid dabeecadaha Jarmalka ee dhanka difaaca iyo Ruushka.
Sida dalal badan oo reer galbeed ah, oo uu ku jiro UK, waxay hoos u dhigtay maal-gashigeeda ciidankeeda sannado badan.