Connect with us

somalilandtoday.com

Toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo ka dhacday gudaha magaalada Nairobi

focus

Toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo ka dhacday gudaha magaalada Nairobi

Toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo ka dhacday gudaha magaalada Nairobi

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Xildhibaan Charles Ong’ondo ayaa lagu dhex dilay bartamaha magaalada, isaga oo ku dhex jiray baabuurkiisa, isla markaana marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Nairobi. Charles ayaa xilliga la dilay waxyar uun kahor ka baxay xarunta baarlamaanka, waxaana weeraray laba nin oo hubeysan, kadibna ku baxsaday mooto Fekon ah.

Labada nin ayaa eryaday xildhibaanka, iyaga oo rasaas ku furay, taas oo keentay inuu meesha kuu geeriyoodo, sida ay ay sheegeen laamaha ammaanka ee dalka Kenya. Sidoo kale, waxaa toogashada ka bad-baaday darawalka xildhibaanka, waxaana haatan socda baaris ay wadaan ciidamada booliska, si loo soo qabto dambiilayaasha.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dilka xildhibaanka iyo waxa ay ahaayeen ragga toogtay ee cararay, kuwaas oo ay baadi goobayaan booliska Kenya.

Xildhibaanka la dilay ee Charles Ong’ondo ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga ruug cadaaga ah ee muddada dheer mucaaradka ah ee Raila Odinga oo si weyn u cambaareeyay dilkaasi.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top