Connect with us

somalilandtoday.com

Amiirka dalka Qatar oo booqasho ku tagay Ruushka

focus

Amiirka dalka Qatar oo booqasho ku tagay Ruushka

Amiirka dalka Qatar oo booqasho ku tagay Ruushka

Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta gaaray magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka , halkaa oo wada-hadallo uu kula yeelanayo Putin iyo saraakiisha sare ee Ruushka.

Booqashadan waxay ku soo aadday xilli wafdi sare oo ka socda Iran ay ku sugan yihiin Moscow , halka wasiirka difaaca Sacuudiga uu isaguna maanta gaaray magaalada Tehran ee caasimadda Iran oo hoggaamiyaha dalkaa uu gaarsiiyay farriin uu ka siday Maxamed Bin Salman. Booqashooyinka waxa isku xiraya waa xaaladda bariga dhexe ka taagan, gaar ahaanna iskudayga Mareykanka iyo Israa’iil ku doonayaan inay ku weerarraan Iran iyo qorshaha ballaarinta duullaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta; arrimahan oo walaac ku dhaliyay hoggaamiyayaasha khaliijka.

More in focus

To Top