Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya oo Maraykanka ka codsatay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiskii 1980-kii ee ahaa in Maraykanku isticmaalo dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaanyo

focus

Wasiiru dawladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in ay dawladda Maraykanka ay ka codsadeen in ay dib u cusboonaysiiso heshiiskii 1980-kii ay wada galeen dawladdii Kacaanka iyo dalka Maraykanka kaas ahaa in Maraykanku isticmaalo dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaanyo. Cali Balcad ayaa xusay in ay doonayaan sidii uu Maraykanku heshiiskan dib ugu cusboonaysiin lahaa isaga oo dekedahan qaadanaya iyo weliba in uu dawladda Soomaaliya ka taageero la dagaallanka kooxda AS. Dalabkan ayaa noqonaya kii labaad ee Soomaaliya u gudbiso maamuulka madaxweyne Trump iyada oo hore ugu dirtay codsi warqad ku qornaa oo dhigayey in uu Maraykanku qaato dekedaha Berbera, Boosaaso iyo garoonka Balli-Doogle ee Shabeellada hoose.

Balse dawladda Maraykanka ayaa ilaa hadda u muuqata in aanay arrimahan si rasmi ah uga soo jawaabin.

More in focus

To Top