Connect with us

somalilandtoday.com

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay deyn dhan $145.6 milyan oo dollar

focus

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay deyn dhan $145.6 milyan oo dollar

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay deyn dhan $145.6 milyan oo dollar

Soomaaliya ayaa saxeexdey heshiis deyn cafis ah oo ay la gashay Faransiiska oo dhan $145.6 milyan oo dollar, taasoo muujineysa horumar kale oo muhiim ah oo laga gaadhay dadaallada soo kabashada dhaqaalaha dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ayaa heshiiskan la saxeexday Safiirka Faransiiska Arnaud Suquet.

Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaadhay heshiisyo muuqda oo deymo cafis ah oo ay la gashay saaxiibada muhiimka ah ee caalamiga ah, oo uu ku jiro Mareykanka, oo heysta qeybta ugu badan ee deynta dalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Japan iyo Denmark.

Cafinta deynta ayaa timid ka dib markii ay Soomaaliya si guul leh u soo gabagabeysay geeddi-socodkii dalalka deymaha badan leh ee 2023-ka iyo heshiiska Paris Club ee 2024. Horumarradan ayaa la filayaa inay keenaan dabacsanaan maaliyadeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u dhiska qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Biixi Iman Cige ayaa u mahadceliyey dowladda Faransiiska, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda istiraatijiyadeed ee iskaashigan caalamiga ah ee soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. Heshiisku waxa uu tilmaamayaa hagaajinta maamulka dhaqaalaha iyo dib u soo cusboonaashaha la macaamilka bulshada dhaqaalaha adduunka.

More in focus

To Top