Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil oo sare u qaaday duqeynta Gaza, tobanaan qof kalena ku dishay Marinka Gaze

focus

Israa’iil oo sare u qaaday duqeynta Gaza, tobanaan qof kalena ku dishay Marinka Gaze

Israa’iil oo sare u qaaday duqeynta Gaza, tobanaan qof kalena ku dishay Marinka Gaze

Xilli laga rajo qabo in dib loo billaabo wadahadallada xabbad joojinta Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka Marinka Gaze sheegeen in ciidamada Isra’il ay 24-ki saacadood ee lasoo dhaafay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 40 qof.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in meydada ilaa 19 qof laga helay xerada qaxootiga Nuseyraat ee waqooyiga Gaza. Goor danbe oo xalay aheyd ayay wararku sheegayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya ee waqooyiga Gaza.

Meelaha kale ee ay dadka lagu dilay ayaa lagu sheegay xaafado ka tirsan koofurta iyo waqooyiga Marinka Gaza. Ciidanka Isra’il oo wata taangiyo ayaa Khamiistii gudaha u galay Nuseyraat, waxana ay dib uga baxeen Jimcihi hslay, hashe yeeshee wali howgallo duqeymo iyo madaafiic ka wada dhanka koofureed.

Dhanka Daanta Galbeed ee ay Isra’il heysato, madaxweynaha maamulsha Falastin, Maxmuud Cabaas ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah isla markaana ku eedeeyay Isra’il in gaajada ay u adeegsanyso sida risaasta oo kale kaddib marki lasoo sheegay in dad badan oo ku go’doonsan waqooyiga Gaza ay macluul ku billaabatay.

Sabtida maanta ah ayaa la filayaa in wafdi ka socda Xamaas ay Qahira tagaan, si halkaasi looga billaabo wadahadallada lagu raadinayo xabad joojinta Xamas iyo Isra’il.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top