Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), qaabkii uu Kulmiye ku yimid, waxa ay ahayd qaab horseedi gaadhay burbur ku yimaada Xisbigaasi, waxaanu imaanshihii Saylici ku tegay Ahmed Siillaanyo, oo Guddoomiyaha Kulmiye ahaa qiimo sare, markii uu qaatay go’aan adag oo uu ku beddelayey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo kuxigeen ku murrashaxu ahaa Siillaanyo 2003-kii, isla markaana isa dhaceen.
Ahmed Siillaanyo oo ka fikiraya codka Awdal yaala iyo taageero dhaqaale, waxa uu qaatay Go’aan adag oo Xisbigiisu ku burburi gaadhay oo ahaa inuu 2008-dii Saylici ka dhigtay Murrashax Madaxweyne kuxigeen isaga oo ka tegay Cabdiraxmaan Aw Cali, waxaanu uga tegay, madaama oo mar wada dhaceen, isla markaana Abdiraxmaan ahaa Deegaanka hoose ee Rayaale, go’aankan Siillaanyo waxa uu keenay dildilaac Kulmiye ku yimaad oo halis geliyey, madaama oo rag badan oo masuuliyiin ahaa iscasileen go’aankan wagii, kuwo kale garab badbaadin la baxeen, balse waxa xusid mudnaan in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, oo Cabdiraxmaan Aw Cali saaxiib ahaayeen aanay ka tegista go’aankaasi u adeegsadeen meel marin damac kale oo ah Hoggaanka xisbigaasi iyo mustaqbalka in ay wakhtigii adkaa ee Siillaanyo wajahayey kaga faa’iidaysteen.
Siillaanyo go’aankan uu murrashaxa kaga dhigtay Saylici uga khasaare, taageero cod iyo mid dhaqaaleba uu kaga helay deegaanka Saylici, 2010-kii way ku guuleysteen doorashadii.
Mar kale Maalintii Saylici ayaa timid, waa 2015-kii Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee salka ku hayey Murrashaxnimada Kulmiye. Khilaafkan Kulmiye dhex qarxay ee uu Muuse Biixi, ka faa’idaystay 2008-dii, waxan isna markiisa ka faa’idaystay Saylici, oo la safnaa Wasiiradii is casilay 2015-kii, ee ka soo horjeeday murrashaxnimada Muuse Biixi.
Muuse Biixi, oo aan raali ka ahayn inuu murrashaxnimada Saylici, ayaa duub ku liqday, madaama duruufuhu keeneen khilaafkii jiray awgii inuu mar kale Saylici murrashax noqdo.
Isku laab-xadh la’aantan waxa ay keentay in xidhiidhka wada shaqayneed mararka qaar walaac laga muujiyo.
Tani waxa ay weji kale yeelatay markii Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha Somaliland ka fikiro wakhtigiisa labaad murrashax u noqonaysa, madaama markii hore duruufi keentay.
Saylici waxa uu is tusay in muhiim tahay in uu talada cidda noqonaysa Murrashaxa Kursiga kuxigeenka uga dambaynaysaa noqoto mid uu talo ku leeyahay oo xulisteeda qayb ka noqdo, madaama oo wuu doonayey laba mid in qofka imanayaa noqdo mid deegaankiisa hoose ka yimaada ama deegaan kale oo ay isku sidkanaayeen oo qayb ka ahaa labadii doorasho ee gobolka Awdal, waana halka sii xoojisay khilaafka, inta badan huursanaa, balse imika bannaankan u soo baxay.
Saleebaan Saxansaxo